Hiirshabelle: Madaxwayne Waare oo Safar lama filaan ah ku tagaya Buulo-Burde & Jalalaqsi

Wararka Maanta

Madaxweynaha Cusub Ee Maamul Gobolleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo ay weheliyaan Saraakiil Ciidan iyo Mas’uuliyiinta Gobolka Hiiraan ayaa lagu wadaa Maanta in ay Booqasho ku tagaan Degmooyinka Buula-barde iyo Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Socdaalka Wafdiga Madaxweynaha Hirshabelle ayaa ku Qotoba sidii ay ugu kuur gali lahaayeen Xaaladda ay ku nool yihiin Dadka degen Magaalooyinka Buula-barde iyo Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan islamarkaana Mudo Dhowr Sano ah uu saaran yahay Go’doon ay ku soo rogeen Dagaalameyaasha Xarakada Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa la kulmi doona Mas’uuliyiinta Degmooyinkaas iyo Saraakiisha Ciidamada AMISOM ee jooga Jalalaqsi iyo Buula-barde.

Sidoo kale Magaalooyinka Jalalaqsi iyo Buula-barde ayaa Saakay laga dareemayaa qaban qaabada lagu soo dhaweynayo Madaxweynaha Cusub ee Maamul Gobolleedka Hirshabelle.

Laakiin arinta ugu weyn ayaa ah in cabsi xoogan ay ka jirto deegaanadaas maadaama ay ku hareersan yihiin dagaalyananada Shabaab.

Madaxweynaha Hiirshabelle oo safarkiisa dhanka cirka isticmaali doon ayaa dhawaan booqasho ku tagay magaalada Beled-weyne

 

ceelhuuronline