Abaanduulaha ciidanka xooga dalka oo gaaray Xudur

Wararka Maanta

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Cali Baashi iyo saraakiil kale ayaa maanta waxa ay gaareen Degmada Xudur ee Gobolka Bakool.

Wafdiga Abaanduulaha waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Xudur ku soo dhaweeyay Maamulka Degmada, Waxgarad, Dhalinyaro iyo Haween.

Ujeedka Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Cali Baashi uu u gaaray Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa waxaa lagu sheegay sidii uu ugu kuur gali lahaa xaalada Ciidanka ku sugan Magaalada Xudur.

Dadka ku nool Magaalada Xudur ayaa waxa ay ka cabanayaan xaalad nolol xumo oo heysata, maadaama wadooyinka qaar ee soo gala Degmada Xudur ay ku sugan yihiin Shabaab.

Comments are closed.