Madaxda Wadamada Jabuuti Iyo Suudaan Oo Booqanaya Itoobiya

Wararka Maanta

Madaxweynayaasha Dalalka Jabuuti iyo Suudaan ayaa maanta tagaya dalka Itoobiya halkaas oo uu ku casuumay Ra’isalwasaaraha Dalka Itoobiya Abiye Axmed Cali.

Ismaaciil Cumar Geelle iyo Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa ka qeybgeleya xarig jarka dhismaha Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jima ee Gobolka Oromia oo si casri ah loo dhisay.

Qoraal lagu daabacay Bogga Twitter-ka ee Ra’isalwasaaraha Dalka Itoobiya ayaa lagu sheegay in madaxda labada dal ee Jabuuti iyo Suudaan ay qeyb geli doonaan munaasibadda xarigga looga jarayo Garoonka Diyaaradaha ee Magalada Jima.

Ra’isalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed ayaa muddaba waday isbeddel gudaha iyo dibadda ah oo dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalaha la xiriiray.

Waxaa uu horay ula heshiiyay Dalka Eritrea,waxaana uu sidoo kale kaalin mug leh ka qaatay isbaheysi ay yeesheen Dalalka Itoobiya, Eritrea iyo Soomaaliya.

Dadka falanqeeya siyaasadda geeska Afrika ayaa u arkayay Isbaheysigan oo ay ka maqanyihiin Jabuuti iyo Suudaan in uu gaabis yahay sidaas darteedna waxaa ay u badantahay in ABiye oo Cumar iyo Geelle kala hadlo xubinnimada Isbaheysiga Geeska Afrika oo la gaarsiiyo ilaa shan dal,halka ay hadda saddex kaliya yihiin.