Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Qaranka oo gaartay Dhuusamareeb (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Wafdi ka socda Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka GMDQ iyo shaqaalaha guddiga ayaa maanta ay taariikhdu tahay 12 April 2018 waxa ay gaareen magaalada Dhuusamareeb Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug.

Wafdiga ay hor kacaysay Guddoomiyaha guddiga Marwo Xaliimo Yareey ayaa ujeedkoodu yahay qabashada doorashada kursigii xildhibaanimo ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Bootaan Ciise Caalin, Kursigan ayaa ka mid kuraasta Beesha Duduble ku leedahay Golaha Shacabka.

Waxaana la qorsheynayaa in 15 bishan doorashada kurisigan ka dhacdo Magaalada Dhuusamareeb, Waxaana dadku ku loolamaya ugu tun weyn wasiiru dowlaha Arimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdullaahi Faarax Wehliye oo taageero ka helaya Madaxtooyada Qaranka iyo Siyaasi Maxamed Cilmi Afrax (Damdamble) oo 2015 u tartamay xilka Madaxweynaha Galmudug.