Sawirro: Sarkaal ka soo goostay Shabaab oo la gudoonsiiyey 15,000$

Wararka Maanta

Maamulka Koofur Galbeed ayaa abaal marin lacageed oo gaareysa $15,000 guddoonsiiyay Sarkaal ka soo goostay Al-Shabaab, kaasoo wada hadal la furay maamulka, ka hor inta aanu isa soo dhiibin.

Sarkaalkan ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Xasan Aadan oo loo yaqaano Sandheere ayaa bishii January iska soo dhiibay magaalada Baydhabo, isagoo xusay inuu go’aansaday inuu isaga soo baxo Al-Shabaab iyo fikirkii uu ka aaminsanaa.

Maxamed Sandheere ayaa ka tirsanaa hoggaanka gaadiidka Al-Shabaab, waxaana xilligii uu isa soo dhiibayay uu watay gaari kuwa dagaalka oo ku xirnaa qoriga dhashiikaha, waana sababta uu ku muteystay abaal marinta lacageed.

Munaasabad xalay ka dhacday xarunta Wasaaradda Amniga Koofur Galbeed ee Baydhabo ayaa lagu soo bandhigay sarkaalkan oo loo labisay dharka Suudka, waxaa halkaas lacagta abaal marinta ku guddoonsiiyay Wasiirka Amniga Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay).

Abaal marinta lacageed ee la guddoonsiiyay ayaa ka dhigan sida Maamulka Koofur Galbeed u doonayo sidii uu ku kasban lahaa dagaalamayaasha Shabaab ee isu soo dhiiba, waxaana qof kasta loo qiimeyaa hadba hubka uu la soo goosta.