Dowlad goboleedka Galmudug ayaa todobaadkan lugaha la gashay khilaaf siyaadeed, kadib markii Madaxweyne Xaaf taageeray isbaheysiga Sucuudiga. Khilaafka ayaa gaaray in xildhibaanada qaar sheegaan in ay xilka ka qaadeen Axmed Ducaale.
Shalay Cadaado ayaa waxaa yimid xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Federaalka, waxaana ay kulamo isdaba joog la qaateen Madaxda Galmudug, kulamada oo waqti badan qaatay ayaa wax natiijo ah kasoo bixin.
Gudoomiyaha Barlamaanka Cali Gacal oo ka gows heysta Dowladda Federaalka ayaa shuruudo adag hor dhigay kooxda dhexdhexaadinta, waxaana xalay lagu kala dareeray kulamadii dhexdhexaadinta, iyadoo maanta loo balamay mar kale in dib loo bilaabo wada xaajoodka.
Dhanka kale Xildhibaano kale oo Federaalka ka socda oo la filayey in ay maanta soo gaaraan Cadaado ayey suurtagal tahay in ay baaqdaan Maadaama Madaxweyne Xaaf mamnuucay diyaaradaha ka imaanay Muqdisho, xildhibaanadan ayaa la sheegayaa in ay taageero u yihiin Gudoomiyaha Barlamaanka iyo Madaxweyne ku xigeenka.
Xaalada ayey suurtagal tahay in cir isku shareerto, waxaana dowladda Federaalku ku dadaalaysaa in ay xilka ka tuurto Axmed Ducaale Xaaf. Jawiga guud magaalada Cadaado waa dagan yahay, dadku nolol maalmeedkooda ayey wataan.
Nala soco wixii soo kordha www.ceelhuur.com