Sawirro: RW Kheyr oo xalay kulan la qaatay Bulshada Baydhabo

Wararka Maanta

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay kulan is xog-wareysi ah la yeeshay Qaybaha kale Duwan ee Shacabka Reer Baydhabo iyo madaxda Maamulka Koofur Galbeed , si uu u ogaado baahiyaha ay qabaan ee ay doonayaan in wax lagala qabto.
Dhammaan dadkii ka hadlay Munasabadda waxa ay ka codsadeen Ra’iisul Wasaaraha in ay dowladd ka shaqayso sidii la iskugu furi lahaaa Wadooyinka isku xira Magalooyinka Koofur Galbeed Soomaaliya iyo Magaladda Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda ayaana u balan qaaday in Dowladdu ay ka shaqayn doonto isku furka wadooyinka Cadowgana laga xorayn doono dhammaan Goboladda Dalka meelaha yar yar ee ay kaga sugan yihiin Shacabkana looga fadhiyo in ay garab siyaan Ciidamadda. Sidoo kale Ra’iisulwasaaraha ayaa la filayaa inuu maanta dhagax dhigo dhismaha xabsi weyn Magaalada Baydhabo.