Yusuf Garaad oo New York kula kulmay Wasiirka Socdaalka Canada

Wararka Maanta

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yusuf Garaad Cumar oo kamida Wafdiga Dowladda u matalaya Shirka 72 ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay ayaa  Wasiirka Socdaalka, ee Canada Ahmed Hussein waxa uu kula kulmay xarunta Qaramada Midoobay ee New York.

Labada masuul waxay ka wadahadleen xiriirka Soomaaliya iyo Canada iyo arrimo la xiriira socdaalka sida wasiirka Arrinaha dibadda uu bartiisa Facebooka ku soo qorey.

Yuusuf garaad ayaa intaa ku daray in Waxa isku soo jiidaya ay tahay Soomaalinimada Ahmed Hussein inkasoo laba wadan ay kala matalayaan. sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay la kulankiisa

Marka lago soo tago kulanka Yusuf Garaad iyo Wasiirka Socdaalka Canada Rw Khayre ayaa dhankiisa kulamo gaar gaar ah la qaadanaya Madaxda kala duwan ee ka qayb galaysa Shirka QM ee New York

Ceelhuuronline