AAWAY WASAARADIHII GALMUDUG? W/Q: Abdi Hassan Awoowe

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Golaha wasiirrada Galmudug oo la magacaabay taariikhdu markay ahayd 28 August 2015 hadda waxay jirsadeen sanad iyo dhowr bilood, balse nasiib darro waxay noqdeen wasaarado khiyaali ah oo aan dhaafsiisnayn warqaddii uu magacaabistooda ku qoray madaxwaynaha Galmudug Cabdi kariin xuseen Guuleed,

Wasaaradihii uu madaxwayne Cabdikariin magacaabay waxay tiro ahaan gaarayeen 24 wasaaradood, hasa yeeshee waxaa nasiib darro ah marna layaab ah in sanad kadib la waayey hal wasaarad oo shaqaynaysa, ama xitaa leh degaan ama xarun ay ku shaqayso, marka laga reebo wasaaradda waxbarashada iyo wasaaradda gaadiidka.

markaad u fiirsato hab dhaqanka dadka ku magacaaban shaqooyinkaas intooda badan uma eka kuwo u diyaarsan masuuliyadda baaxaddaas leh, qaarkood markii la magacaabay ayeyba guryahoodii aadeen.

halka qaar kalana ay waxqabad ka dhigteen Qayilaad, Hurdo, soo dhowayn iyo guryo u kireyn musharax xildhibaan iyo wax kasii hooseeya, laga yaabee inay sidaas ku qanacsanyihiin marba haddii wasiir ama Agaasime loo magacaabay!! waa ceeb iyo amakaag in qof xil baaxaddaas leh haya uu yeesho sifooyinkaas.

Sanadkaan 2016 gudihiisa waxaan safar shaqo ku maray in ka badan 20 tuulo iyo degmooyinkooda oo ka tirsan deegaannada Galmudug, waxaan kusoo arkay dad dhibaataysan oo aan haysan, biyo ay cabbaan, Caafimaad, Waxbarasho iyo dhammaan adeegyadii kale ee nolosha binu’aadamka, dadkaas waxay ka cabanayeen maamul la’aan.

waxaa layaab iyo rajo xumo ah in shacabkii Galmudug oo sidaas loo dayacay in haddana dagaallo sokeeye lagu mashquuliyo oo lagu waxyeeleeyo lagana dhigto xaabo dabka lagu shito, waxaa nasiib darro ah in madaxweynaha Galmudug Cabdikariin iyo ku xigeenkiisuba ay u ekaadaan kuwo raali ka ah dhibaatooyinkaas iyo waxqabad la’aanta muuqata.

La soco qaybta xigta, haddii alle idmo.

W/Q: Abdi Hassan Awoowe

Comments are closed.