Wararkii ugu dambeeyay ee Weerarka lagu qaaday Hotel SYL

Wararka Maanta

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay inay ka dambeeyeen weerarka caawa lagu qaaday Hotel SYL ee magaalada Muqdisho iyadoo weli ay socoto rasaas laga maqlayo gudaha Hotelka.

Warar ayaa sheegaya in ciidanka Ammaanka ay soo badbaadiyeen tobanaan ka mid ah dadkii ku jiray gudaha Hoteelka oo ku dhow Xarunta Madaxtooyada.

Ma jiro illaa iyo hadda wax khasaare ah oo la xaqiijiyay oo ka dhashay weerarkan, inkastoo rasaas iyo bambooyin la isu adeegsaday.

Ragga hubeysan ee galay gudaha hotelka ayaa ku socday lugta taasoo ah xeelad cusub, iyadoo la ogyahay in Al-shabaab marka ay fulinayaan weeraradan oo kale ay adeegsan jireen gaadiid qaraxyo laga soo buuxiyey oo ay ku furan jireen albaabka hotelka ama dhismaha ay weerarayaan.

Hoteelka SYL ayaa laba jeer oo hore waxaa weerar ku qaaday Al-Shabaab iyadoo uu ka dhashay qasaare kala duwan.