Daawo Muuqaal:Danjire Michael Keating oo Cadaado soo gaaray

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Waxaa goordhow soo gaaray magaalada xarunta kumeelgaarka ah dowl ad goboleedka Galmudug Ergayga gaarka ee Qaramada midoobay u qaabishan Soomaaliya Danjire Michael Keating iyo wafdi uu hogaaminayo.

Garoonka diyaaradaha ayaa waxaa kusoo dhaweeyey madax ka tirsan maamulka Galmudug iyo saraakiil ciidan, Mr. Keating ayaa xarunta madaxtooyada kulan kula leh Madaxweynaha Galmudug iyo gudiga doorashada.

Waxaana la filayaa inuu kulankaas kadib uu ka qeybgalo doorashada ka socota hoolka doorashada Cadaado, halkaas oo uu kormeeri doono sida howshu u socoto, waxaana maanta la dooranayaa laba kursi oo beesha Duduble ah.

Xarunta madaxtooyada ayaa waxaa ku sugan haween musharixiin ah kuwaas oo cabasho ka qaba habka doorashadu u socoto, waxaana suurtagal ah in ay kulan gaar ah la qaataan Mr. Keating.

Kursi 22-aad oo hadda codeyntiisa socoto oo ay u sharaxnaayeen shan musharax (2 rag ah, 3 dumar) ayaa waxaa goobta doorashada ka maqan saddexda gabdhood, lamana oga sababta maqnaanshahooda.

fb_img_1480153779805fb_img_1480153772966fb_img_1480153766468fb_img_1480153751262fb_img_1480153643406

Comments are closed.