Faah faahin ka soo baxaya toogasho laba qof loogu geystay degmada Wanlaweyn

Wararka Maanta

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo fiidkii hore ee xalay ka dhacay degmada Wanlaweyn ee gobolka Sh/Hoose.

Sida wararku sheegayaan, weerarka waxaa geystay rag ku hubeysan qoriga AK-47, iyagoo toogasho ku dilay nin lagu magacaabi jiray Cusmaan Cirbad oo ahaa Macalin wax ka dhigga Dugsi Caruurta lagu baro Qur’aanka Kariimka.

Weerarka waxaa sidoo kale dhaawac loogu geystay nin kale oo ay wada socdeen xiligaasi qofka la dilay oo u muuqday inuu ahaa bartilmaameedka weerarka.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Wanllaweyn ee gobolka Sh.Hoose ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in weerarkan uu salka ku hayo arrimo la xiriira aanooyinka Qabiilka oo mudooyinkan ku soo noq noqday magaalada.

Xaalada magaalada ayaa ah maanta midd egan waxaana socda dadaalo ay wadaan Odayaasha deegaanka oo ay doonayaan iney ku baajiyeen falal kale oo aargoosi la xiriira oo ka dhacay aagga dilka iyo dhaawaca loogu geystay dadka Shacabka ahaa.

Weerarkan dadka lagu dilay ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Maalin ka hor maleeshiyaad hubeysan ay Wanllaweyn ka dhaceen Gaari,hayeeshee Ciidamada Amniga degmada oo ku baxay ay kasoo celiyeen.