Dowlada oo ku dhawaaqday in lasoo afjaray weerarkii lagu qaaday Hotel SYL

Wararka Maanta

Hadda oo ay saacadda Afrikada bari tahay 2:00-am ayay dawladda Soomaaliya sheegtay in ay soo afjartay weerarkii Hotel SYL caawa fiidkii lagu qaaday.

Dawladda ayaa sheegtay in weerarka ay ku dhinteen shan qof oo laba kamid ah ay yihiin askarta dawladda, laba kalana shacabka, halka qofka kale uu ahaa garsoore maxkamaddeed.

Sidoo kale dawladdu waxay sheegtay in la wada dilay dhammaan raggii weerarka soo qaaday oo ahaa 5 dagaallame.
Howlgalkaan ayaa waxaa ka qayb qaatay Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada, Ciidamada Booliska iyo Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee NISA.

Sidookale Intii uu howlgalku socday waxa ay ciidamadu ku guuleysteen in ay gudaha Hotel-ka SYL kasoo badbaadiyaan ku dhawaad boqol qof oo kamid ahaa dadkii ku jiray gudaha hotelka.