Waxaa maanta soo gaaray Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee Galmudug ayaa Wafdi ka socda Qaramada Midoobey.
Wafdigaan ayaa kadib markay kasoo dageen garoonka diyaaaradaha Cadaado, waxaa loo galbiyey xarunta madaxtooyada.
Wafdigaan ayaa ka socday UN-OCHA, UNICEF iyo OIC oo dhammaantood u wada socday inay u kuur galaan xaaladda Abaaraha ee kataagan deegaanada Galmudug ayaa soogaaray maantay magaalada Cadaado.
Waxaana wafdigaan hogaaminayey Madaxa OCHA Somalia Justin Brady, wafdigaan ayaa kulamo la qaatay guddiga gurmada abaaraha Galmudug iyo gudoomiye ku xigeena labaad ee Barlamaanka Galmudug.
Ujeedada wafdigaan ayaa ah sidii ay ugu kuurgali lahaayeen xaalada abaarta Galmudug.