Waddooyinka Muqdisho oo la Xiray iyo Shir Muhiima oo maanta furmaya

Wararka Maanta

Ciidamada Ammaanka ayaa saaka xiray qeybo ka mid ah waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, halkaasoo lagu arkayo ciidamo kala duwan.Xirnaanshaha waddooyinka ayaa saameyn ku yeeshay isu socodka dadka iyo gaadiidka, waxaana saaka la arkayay, iyagoo dadka lugeynaya.

Sababaha loo xiray waddooyinka ayaa ah, iyadoo maanta magaalada Muqdisho ka furmayo shirka Amniga Qaranka, kaasoo ka dhici doona Xarunta Xalane.Shirkan muhiimka ah ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxda dowladda Federaalka, Maamul goboleedyada iyo Beesha Caalamka

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) oo ka hadlay shirka ayaa sheegay in shirka looga hadlayo wixii ka qabsoomay shirkii May ee ka dhacay London, dib u habeynta ciidamada, howl galada, u diyaar garowga sidii Ciidamada Soomaaliya amniga ugala wareegi lahaayeen iyo qorshayaasha u degsan amniga.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta wuxuu sheegay 5-ta bisha December in Muqdisho uu ka dhici doono shir loogu magac daray (Somali Partnership Forum), kaasi oo looga hadli doono arrimaha Maaliyadda, Ganacsiga iyo Qorsheynta kobcinta dhaqaala

Waddooyinka xiran ayaa halbowle u ah isu socodka degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana saaka lagu arkayay ciidamo fara badan.Sidoo kale waxaa xiran wadada Muqdisho iyo Afgooye, iyadoo aanay saakay wax gaadiid ah uusan ka soo gudbeyn Koontaroolka Siinka Dheer.

Dadka reer Muqdisho ayaa dib u soo xusuustay xilliyadii doorashadii oo waddooyinka magaalada badankood ay ahaayeen kuwo xirnaa.

Lasoco warkaan wixii kusoo kordha insha allah

Ceelhuuronline