Sawirro: Ciidamo gadoodsan oo xiray isgoyska Km4

Wararka Maanta

Gadoodka Saakay ay sameeyeen Ciidamada Xoogga Dalka,waxa ay keentay in ay Xirmaan Wadooyin Muhiim ah,waxaana xaniban isku socodka Gaadiidka iyadoo Laamiga lagu gooyey Dhagxaan,miisaska Jaadka,iyo Shaagag.

Ciidamada ayaa dhagxaan ku jaray isgoyska muhiimka ah ee Km4, waxaana isku xayiran gaadiid farabadan.

Ujeedka Saakay ay Ciidanka arinkaan u sameenayaan ayaa lagu sheegay Mushaar la’aan ay ka cabanayaam,waxaa Dowladda Madaxweyne Farmaajo ay ballan Qaaday in ay bixinayaan Mushaarka iyo Xuquuqda Ciidanka.

FB_IMG_1489309436465 FB_IMG_1489309432558 FB_IMG_1489309427927 FB_IMG_1489309422005