Sawirro: Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug oo Cadaado kusoo laabtay

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Waxaa goordhow soo gaaray magaalada Cadaado gudoomiyaha Barlamaanka dowlad goboleedka Galmudug mudane Cali Gacal Casir iyo xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Galmudug.

Wafdigaan ayaa kasoo kicitimay magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa in labada maalmood soo socda Cadaado soo gaaraan xildhibaanada Galmudug ee maqan.

Dhawaan ayaa la filayaa in si rasmi ah u furmo fadhiyada Barlamaanka Galmudug, waxaana horyaala shaqooyin muhiim ah oo ay ugu horeyso doorashada Madaxweynaha Galmudug.

Barlamaanka Galmudug ayaa ku kala qeybsamay xilka qaadistii C/kariim Guuleed, waxaana arintaas lagu dhameeyey shirar ka dhacay Muqdisho.

Magaalada Cadaado ayaa isku diyaarinaysa doorashada Madaxweynaha Galmudug, waxaana dhawaan la filayaa in ay soo gaaraan musharixiin u taagan xilka Madaxweynaha Galmudug.

FB_IMG_1489313379552 FB_IMG_1489313388250 FB_IMG_1489313405875FB_IMG_1489317182664