Tottenham Hotspur Oo Diyaar U Ah Inay Iska Iibiso Mousa Dembele

Ciyaaraha

Tottenham Hotspur ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay dhageysato dalabyada Mousa Dembele dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Belgian ayaa xiiseynaya xiisaha uu u qabo xiddiga reer Chile ee xagaagaan, Spurs ayaana diyaar u ah inay iska iibiso qiimaha saxda ah, sida laga soo xigtay The Mirror.

30 jirkaan ayaa 12 bilood uga harsanyahay heshiiskiisa haatan ee Spurs, waxaana kooxda London ka dhisan ay isku dayi doonaan inay lacag kaash ah ku helaan, halkii ay halis ugu jirto inuu si xor ah uga tago.

Tottenham ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay helaan bedelka Dembele, iyadoo Andre Gomes uu ugu cadcad ahay xidiga la damacsanyahay in lagu bedelo.

Dembele ayaa hore u shaaciyay inuusan dooneynin inuu ka hadlo mustaqbalkiisa ka dib Koobkii Adduunka.