Gianluigi Donnarumma Oo Lala Xiriirinayo Paris Saint-Germain

Ciyaaraha

Goolhayaha AC Milan Gianluigi Donnarumma ayaa lala xiriirinayaa inuu xagaaga u dhaqaaqayo Paris Saint-Germain.

Wakiilka daafaca 19 jirka ah Mino Raiola ayaa la kulmay kooxda heysata horyaalka Faransiiska sida laga soo xigtay majaladda France Football.

PSG ayaa lagu soo waramayaa inay raadineyso bedelka goolhaye Alphonse Areola, iyadoo Donnarumma uu yahay mid ka mid ah musharixiinta ay ku jira liiska.

Goolhayayaasha kale ee lagu soo waramayo inay ku haboon yihiin  waxaa ka mid ah xiddiga Atletico Madrid Jan Oblak, Alisson oo Roma ah iyo Thibaut Courtois oo Chelsea ah .

Donnarumma ayaa 100 kulan u saftay Milan tan iyo markii uu ka mid noqday kooxda waaweyn, waxaana uu shan kulan u saftay Italy.