Luke Shaw Oo Aan Xiiseyneynin Inuu Ku Biiro Fenerbahce

Ciyaaraha

Daafaca dambeedka bidix ee Manchester United Luke Shaw ayaa lagu soo waramayaa inuu diidi doono fursada uu ugu biirayo Fenerbahce bilowga 2018ka.

Horaantii Isbuucaan, waxaa lagu soo waramayaa in kooxda Turkiga ay xiiseyneyso saxiixa daafaca, kaasoo aan hal kulan u ciyaarin Premier League xilli ciyaareedkan.

Xaqiiqdii,  ciyaaryahan Shaw ayaa kulankiisii ugu horeeyay u saftay xilli ciyaareedkaan waxa uu kursiga keydka ku soo galay EFL Cup.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay jariiradda Daily Mail, Shaw ayaan xiiseyneynin inuu u dhaqaaqo Turkey isagoo doonaya inuu sii joogo islamarkaana uu u dagaalamo booskiisa United qeybta labaad ee xilli ciyaareedka 2017-18.

Ashley Young ayaa haatan ah daafaca bidix ee United, halka Daley Blind iyo Matteo Darmian ay sidoo kale ka horimaanayaan Shaw oo ku biiray Old Trafford.