Barcelona Oo Doonayso Ryan Sessegnon & Anthony Martial

Ciyaaraha

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay ku darsatay liiska xiddigaha Manchester United ee Anthony Martial iyo xiddiga da ‘yarta Fulham Ryan Sessegnon.

Kooxda La Liga ka dhisan ayaa diyaar u ah inay 60 milyan ginni ku dalbato xiddiga heerka caalami ee dalka Faransiiska, kaasoo lagu tilmaamay bartilmaameed weyn, sida laga soo xigtay Daily Mail.

Dhanka kale, Sessegnon, ayaa la sheegayaa inuu ku sii jeedo Barca, waxaana ay sii wadi doonaan inay isha ku hayaan horumarkiisa haatan iyo dhamaadka xilli ciyaareedka.

Martiali ayaa si aad ah loola xiriirinayay inuu ka tagayo Old Trafford dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore, iyadoo waqtigiisii uu ciyaarayay uu kooban  yahay tan iyo markii Alexis Sanchez uu ku soo biiray Arsenal.

Barca ayaa la filayaa inay si aad ah suuqa u gasho xagaagan, waxaana sidoo kale lala xiriirinayaa inay lasoo saxiixdaan weeraryahanka reer France Antoine Griezmann .