Theo Walcott Oo Dib Udhigay Wadahadalada Heshiiska Arsenal

Ciyaaraha

Weeraryahanka Arsenal Theo Walcott ayaa lagu soo waramayaa inuu dib u dhac ku yimid qandaraaska  Gunners ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkaan.

Walcott ayaan u ciyaarin hal kulan Premier League Arsenal tan iyo bilowgii bishii October, seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee  EFL Cup iyo Europa League.

28 jirkaan ayaa qandaraaskiisa haatan ee Emirates Stadium uu ku egyahay dhamaadka xilli ciyaareedka 2018-19, waxaana mustaqbalkiisa uu ahaa mid la yaab leh.

Everton, West Ham United iyo Southampton ayaa dhamaantood  soo bandhigay xiisaha ay uqabaan ciyaaryahan taasoo ka lumisay booskiisa xulka England ka dib markii uu ku dhibtoonayay kubada cagta.

Sida laga soo xigtay jariiradda The Times, Walcott ayaan diyaar u ahayn inuu qandaraas cusub u saxiixo Arsenal tan iyo xagaaga soo socda, isagoo sugaya inuu hubiyo in Premier League uu sii kordhayo qeybtii labaad ee xilli ciyaareedka.

Walcott ayaa dhaliyay 108 gool 392 kulan oo uu u saftay Arsenal tan iyo 2006dii oo uu kaga soo biiray Southampton.