Manchester United Oo Badelka Wayne Rooney Ka Dhiganaysa Xidig Muhiim U Ah Real Madrid

Ciyaaraha

MANCHESTER, ENGLAND - AUGUST 12:  Wayne Rooney of Manchester United in action during a first team training session at Aon Training Complex on August 12, 2016 in Manchester, England.  (Photo by John Peters/Man Utd via Getty Images)

Manchester United ayaa ka dhiganaysa Gareth Bale dooqa koowaad ee diirada u saaran inuu bedelo Wayne Rooney xagaaga soo aadan, sida ay sheegayaan wararka.

Jariirada The Sun ayaa sheegaysa in United ay ka fiirsaneysa inay iibiso kabtankooda iyadoo ay ka walaacsan yihiin lacagaha lagu iibin karo.

Rooney ayaa qaata £ 300,000 toddobaadkii, weli waxa uu leeyahay saddex sano oo uga harsan tahay qandaraaskiisa haatan.

MADRID, SPAIN - AUGUST 27:  Gareth Bale of Real Madrid reacts during the La Liga match between Real Madrid CF and RC Celta de Vigo at Estadio Santiago Bernabeu on August 27, 2016 in Madrid, Spain.  (Photo by Angel Martinez/Real Madrid via Getty Images)

Everton ayaa isha ku heysa 30-sano jirkaan  laakiin kabtanka England ayaa sidoo kale ka heli doontaa dalab qaali ah ka Shiinaha ama Major League Soccer.

Ka dib markii Jose Mourinho  yimid Old Trafford, Rooney ayaa la sheegay inuusan ciyaari doono khadka dhexe ee United xilli ciyaareedkan.

Ilaa hadda xilli ciyaareedkan, kabtanka United ayaa ciyaaray No.10 ka dambeeya Zlatan Ibrahimovic isagoo dhaliyay hal gool afar kulan oo uu saftay.

Tagged

3 thoughts on “Manchester United Oo Badelka Wayne Rooney Ka Dhiganaysa Xidig Muhiim U Ah Real Madrid

Comments are closed.