Antoine Griezmann Oo Seegi Doona Kulamada Todobaadka

Ciyaaraha

Weeraryahanka Atletico Madrid Antoine Griezmann ayaa lagu soo waramayaa inuu seegi doono kulanka axada ee La Liga ee ay la ciyaarayaan Real Betis ka dib markii uu dhaawac ka soo gaaray kulankii Champions League ee Chelsea habeenkii Talaadada.

Griezmann ayaa ciyaaray 90 daqiiqo oo buuxa kulankii barbaraha 1-1 ee Stamford Bridge, lakiin waxaa la fahamsan yahay in xiddiga reer France uu dhaawac muruqa ah soo gaaray.

Atletico ayaa shaaca ka qaaday warbixin ay soo saartay in xiddiga reer France uu soo dhaawac yar qabo, sida laga soo xigtay Diario AS, dhibaatada ayaa ka dhigeysa inuu ka maqnaan doono kulanka axada ee Betis iyo midka Seville.

“Griezmann ayaa maray tijaabo caafimaad si loo ogaado  inta uu la egyahay dhaawaca,” ayaa lagu yiri hadal ka soo baxay Atletico.”

Atletico ayaan wali laga badin horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan, iyadoo wadar ahaan 30 dhibcood heshay waxayna kaga jirtaa kaalinta 3aad ee horyaalka.