Magaalada Kismaayo Xarunta kumeelgaarka ah maamulka Jubbaland ayaa waxaa dabley ku hubeysan Qoriga AK47 ku rasaaseeyeen Suldaan Cabdirashiid Muuse Dhurre oo ka mid ahaa Salaadiinta beeshaa Gaaljecel.
Allaha u naxariistee Suldaanka ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaal magaalada Kismaayo, halkaas oo la geeyey isagoo dhaawac ah. Weerarka lagu qaaday Suldaanka ayaa dhacay xilli uu ka soo baxay salaadii Maqrib ee caawa.
Dadaalo lagu doonayay in lagu badbaadiyo suldaanka ayaan suurtogelin waxana uu geeriyooday xilli qaliin lagu sameeyay. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Suldaanka.
Magaalada Kismaayo oo ku jirta xilli doorasho ayaa dhawaan waxaa ka dhacay dilal qorsheysan iyo Qaraxyo. Waxaana Amni daradda Kismaayo lagu eedeynayaa saddex kooxood oo kala ah, Alshabaab, Axmed Madoobe iyo Dowladda Federaalka.