Xarigjarka Dhismaha Waaxda Oktoober Degmada Waaberi (Sawirro)

Wararka Maanta

Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Ibrahim Cumar Mahad-Alle (Ibrahim-Dhere) ayaa xariga ayaa ka jaray xarunta Waaxda saddexaad ee October Degmada Waaberi oo dib-u-dhis lagu sameeyey.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dib u dhiska xarumaha waaxaha degmooyinka ay aasaas u yihiin qorshaha dariseynta, amniga iyo isku xirka bulshada Caasimadda.

“Xaruntan waxaan rabnaa in ay saldhig u noqoto wacyi gelinta bulshada degmada iyo adkeynta isku xirnaantooda, taas oo aasaas u ah in aan ku tallaabsanno horumar iyo amni buuxa.”

Mahad-Alle ayaa kula dardaarmay Maamulka heer Degmo iyo heer Waaxeed ee Waaberi in ay xoojiyaan isku xirnaanta bulshada iyo Maamulka, si loo xaqiijiyo amniga, bilicda iyo baahinta adeegyada aasaasiga ah.

Munaasabadda xarig jarka Xarunta Waaxda Octoobar ee degmada Waaber waxaa Guddoomiyeku xigeenka ku weheliyey Gudoomiye Kuxigeenkiisa Howlaha Guud Cali Sheekh Ibrahim Fiidow iyo masuuliyiinta degmada Waaberi.