Shirka wadatashiga Dowladda iyo Maamulada oo Maalintii labaad galay

Wararka Maanta

Shirka u dhaxeeya Madaxda dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada dalka ayaa maalintii labaad galay, kaddib markii shalay uu furay Madaxweyne Farmaajo.

Shirkii shalay oo ahaa mid furitaan oo ay Madaxda keligood ahaayeen ayaa la filayaa in maanta laga hadlo qodobada hor-yaala, sida ay xaqiijiyeen xubno ku dhow dhow.

Waxaa kaloo la filayaa in shirka maanta ay ku soo biiraan xubnaha wehliya Madaxda maamul goboleedyada, maadaama shirkii shalay ay banaanka ka joogeen, kana dhacay guriga Madaxweynaha, halkaasoo Madaxda ay ku quraacdeen.

Qodobada ugu muhiimsan ee shirka maanta looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah xalinta khilaafka ka dhaxeeya dowladda Dhexe iyo maamul goboleedyada, arrimaha amniga iyo sidii la isaga kaashan lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Xiriirka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada oo todobaadyadii u dambeeyay ahaa mid hoos u dhacay ayaa la filayaa in arrimaha tabashooyinka ee labada dhinac kala qabaan ay xaliso.

Shirka oo aan la ogeyn mudada uu socon doono ayaa waxay ku xiran tahay sida Madaxda ay isugu fahmaan qodobada hor-yaala.

Dhinaca kale Madaxtooyada ayaa wada dadaalo ay isugu soo dhoweyneyso Madaxda maamulka Galmudug, kaddib markii ay Muqdisho ugu yeertay Madaxweyne kuxigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.