Xildhibaano Gudbiyay Mooshin ku Saabsan Amniga

Wararka Maanta

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa soo gudbiyay Mooshin ku saabsan Xaaladda Ammaan ee Soomaaliya.

Gudoonka Baarlamaanka ayaa sheegay in Mooshinkaasi ay galabta ka doodi doonaan Guddiyadda Amniga ee golaha Shacabka.

Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Ibraahim Muudeey ayaa sheegay in xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ay soo gudbiyeen Mooshinkaasi.

Waxaa uu sheegay in Mooshinkaasi diirada lagu saarayo Kiis kun saabsan Xaaladda Ammaan ee Soomaaliya iyo sidoo kale dowrka Golaha Shacabka.

Mooshinkaan ayaa imaanaya Xilli shalay xilalkii laga qaaday taliyeyaasha Booliska iyo Nabad suggida oo waxqabad xumo lagu eedeeyay.

Sidoo kale Magaalada Muqdisho ayaa bishaan waxa ka dhacay Qaraxyo ay ku dhinteen dad badan oo Shacab iyo Masuuliyiin iskugu jira