Maxaa Looga Hadlay Kulanka Golaha Wasiirada Jubbaland (Sawirro)

Wararka Maanta

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa shir gudoomiyay kulanka caadiga ah ee golaha wasiirada Jubbaland.

Ugu horayn Madaxweynaha ayaa ka warbixiyay xaaladahii u danbeeyay ee dalka gaar ahaan Jubbaland iyadoo wasaarada Amnigana laga dhagaystay xaaladaha amniga.

Wasaarada Arimaha gudaha ayaa ka warbixisay qaybinta xeerka lagu dhisayo gudiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbalana xeerkan ayaa dhawaan la guda gali doona akhrintiisa koobad iyadoo kadibna uu golahu ansixin doono.

Dhinaca kale Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa ka warbixisay u diyaar garoowga tartanka Ciyaaraha Dowlad Goboleedyada dalka iyo sida loo diyaarinayo xulka Jubbaland ee tartankaas ka qaybgalaya.

Waxaa kale oo wasaaradu ay sharaxaad ka bixisay hanaanka lagu dhisayo ururada dhalinyarada ee guud ahaan deegaanka oo wasaarada ay dardar galin doonto sidii qaab habsame leh ay ugu qabsoomi lahayeen.