Madaxweynaha JFS oo u hambalyeeyay Galmudug iyo H/shabeelle oo soo dhameeystiray doorashooyinka

Wararka Maanta

xasan-sheekh-madaxweyne

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Dowlad Gobolleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle oo soo dhameeystiray doorashooyinka Golaha Shacabka ee ka kala dhacayey magaalooyika Cadaado iyo Jowhar.

Madaxweynaha ayaa sheegay in doorashooyinkii Golaha Shacabka ee ka dhacay Cadaado iyo Jowhar ay u qabsoomeen si xasilooni iyo dimuqraadiyad ku dheehan tahay .

Madaxweynaha ayaa ammaan iyo mahad-celin u jeedinaya Madaxda Dhaqanka iyo Madaxda Dowlad Gobolleedyada Galmudug iyo Hirshabelle Guddiyada Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee heer Federaal iyo heer Dowlad Gobolleed oo guulo ka gaaray doorashooyinkii Golaha Shacabka ee ka dhacay magaallooyinka Cadaado iyo Jowhar.

Madaweynaha, ayaa ku baaqayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu soo dhameystiro doorashooyinka Golaha Shacabka ee harsan iyada oo la ilaalinayo nidaamka sharci ee u degsan doorashooyinka.

Ugu dambeyntii,Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ku tallaabsatay horumar weyn oo dhanka dimuqraadiyadda iyo dowladnimada ah, isagoo uga mahad-celiyey shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka kaalintooda ku aadan hirgelinta doorashooyinka.

–Dhammaad–