Dagaal xalay ka dhacay degmada Waajid

Wararka Maanta

Wararka naga soo gaaraya degmada Waajid oo ka tirsan gobolka Bakool ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay degmadaasi uu ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii xalay Saqdii dhexe ay Al-Shabaab weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamo ka tirsan Millateriga Soomaaliya ku leeyihiin degmadaas,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo mudo saacado ah qaatay.

Dad ku sugan degmada Waajid ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, hayeeshee aysan weli xaqiijin karin khasaaraha ka dhashay dagaalkaas xalay ka dhacay degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Wararka aan heleyno ayaa waxaa ay shegayaan in dagaalkaas ay ku geeriyoodeen Saddex askari oo ka tirsan Millateriga Soomaaliya tira kalena ay ku dhaawacmeen,hayeeshee weli aan la ogaan khasaaraha Al-Shabaab kasoo gaaray dagaalkaas.

Saraakiil Ciidan ayaa sheegay in Al-Shabaab weerar kusoo qaadeen Saldhiga Koonfureed ee degmada Waajiid oo ay ciidamada Millateriga Saldhig ku leeyihiin,hayeeshee ay iska difaaceen,isla markaana ay khasaaro ku gaarsiiyeen.

Wararkii ugu dambeeyay ee saakay naga soo gaaraya degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan,isla markaana ay gacanta ku hayaan Ciidamada Millateriga Soomaaliya,sidoo kalena ay wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan.

Xigasho: Risaala