Magaalada Stockhlom ee Dalka Swedan ayaa caawa munaasibad soo dhaweyn ah waxaa loogu sameeyay madaxweynihii maamulkii Ximan iyo Xeeb Maxamed C/laahi Aadan Tiiceey
Munaasibadan oo ay soo qaban qaabisay jaaliyada Soomaaliyeed ee Dalka Swedan ayaa Tiiceey loogu hambalyeeyay didaalkii uu u soo maray sidii dadka gobolada dhexe ay u sameysan la hayeen maamul mid ah
Maxamed Claahi Tiiceey ayaa ah madaxweynihii ugu horeeyay ee maamulkii Ximan iyo Xeeb waxaana maamulkaasi lagu xasuustaa inuu ka shaqeeyay xasiloonida deeganadii uu maamulayay iyadoona ugu dambeyn xaruntiisii ee magaalada Cadaado lagu dhisay maamulka Galmudug.
Tiicey ayaa dhawaan ka soo baxay xabsi ku yaala dalka Belgium halkaan oo muddo 4 sano ah uu ugu xirnaa si xaqdarro ah. Mudane Tiicey ayaa la filayaa inuu booqasho ku tago wadamo kale.