Ciidamada Booliska ee ku sugan Degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir ayaa la sheegay inay qabteen gaari lagu siday hilib qurmay, kadib markii lagu qabtay Koontarool ciidanka ay ku sugnaayeen.
Khamiistii ayaa degaanka Ceelmacaan waxaa lagu soo gubay raashin dhacay, iyadoo halkaasi lagu duugay hilib qurmay oo ciidamada ay ka qabteen Dakadda Magaalada Muqdisho.
Qaar ka mid ah dadka ku nool Magaalada Muqdisho ayaa isku dayay inay soo qaataan hilibkaasi oo ay soo galiyaan Suuqyada Magaalada gudaheeda, si ay bulshada uga iibiyaan.
Gudoomiyaha Degmada C/casiis Sharmaake Maxamed Ladane oo la hadlay Risaala ayaa wuxuu sheegay in arrintaasi baaristeeda ay u daynayaan laamaha ammaanka dowladda ee ku shaqada leh, sida ciidanka Booliska.
“Arrimahaasi Hay’addaha amniga iyo Baaristooda ayaan ka war sugeynaa dadkaasi iyo wixii ka dambeeyay, sharciga ayaa la marsiinayaa, illaa aan si dhab ah uga ogaano qorshaha arrintaan ka dambeeyo kama hadli karno, dib ayaan ka soo sheegaynaa.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Degmada C/casiis.
Dadka gaariga ku siday hilibkaan qurmay ayaa laga soo xigtay inay doonayeen Suuqa Degmada Xamar weyne inay ku iibiyaan, balse taasi suuragal ay u noqon wayday.
Saldhiga Degmada C/casiis ayaa la sheegay inay ku xiran yihiin dadkii watay gaarigaasi lagu soo raray hilibka qurmay.