Kulankii Golaha Shacabka oo Maanta baaqday iyo kulama socda

Wararka Maanta

Waxaa maanta oo isniin ah baaqday shirkii Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ee ka dhici lahaa  xarunta golaha Shacabka ee Magalada Muqdisho.

Wali sii rasmii ah loma ogaa sababta keentay baaqashaday kulanka baarlamaanka Somalia hase ahaate ila xog ogaal ah ayaa sheegay ay baaqashada ay usababtahay guddoonka baarlamaanka Somalia oo wada dadaalo lagu doonayo in lagu xaliyo buuqii sabtida ka dhacay barlamaanka Soomaaliya.

Dooda amniga dalka ayaa keentay in xildhibaannada ay ku kala qeyb sameen arintaasi kadib markii guddoonka uu soo jeediyay in fadhiga uu noqdo mid xiran halka xildhibaano kale ay kasoo horjeesteen aragtiisa oo ugu danbeena guddoonka uu so xiray kulankii Baarlamaanka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal sheekh Cabdiraxmaan ayaa xilligaan wada kulamo gooni gooni ah oo xal looga gaarayo murankii iyo buuqii ka dhashay ajandaha amniga ku saabsan ee kulanka Baarlamaanka.

Sidoo kale wararka kale aan heeleyno  ayaa sheegaya in Guddiga joogtada Golaha Shacabka ay ka shiri doonaan sida laga yeelayo kulamada Baarlamaanka Soomaaliya.