Sawirro: Dufcadii 1-aad oo ka Qalinjabisay Dugsiga Sare Godinlabe

Wararka Galmudug Wararka Maanta WAXBARASHADA

Munaasabad si weyn loo soo agaasimay laguna maamuusayey dufcadii koowaad ee ka qalinjabisay dugsiga sare Godinlabe ayaa lagu qabtay Godinlabe.

Munaasabadan ayaa waxaa kasoo qeybgalay Wasiirka Dastuurka iyo dib u heshiisiinta Cismaan Dheere, Xildhibaan Xasan Cascaseey, agaasimihii hore iftiin Maxamed Dhagacade, Agaasimaha iftiin Maxamuud ilkacase, maamulaha iskoolka Maxamed Xaaji Xuseen, waalidiin, arday iyo marti sharaf kale.

Godinlabe waa magaalo u dhaxeysa degmooyinka Cadaado iyo dhuusamareeb, waxaana dadka deegaanka iyo hay’ada Iftiin ay iska kaashadeen in waxbarsho laga hirgaliyo halkaas.

Ardaydaan ayaa noqonaysa ardaydii ugu horeysay ee dugsi sare ka baxa, Tirada ardaydaan ayaa gaaraysay 23 arday oo isugu jiro, 13 wiil iyo 10 gabdhood.

Sidoo kale wasiirka Dastuurka iyo dib u heshiinta Galmudug Cismaan Dheere ayaa ahaa aasaasihii waxbarashada Godinlabe, isagoo 10kii sano ugu dambeeyey dadaal badan ku bixiyey sidii ay caruurta Godinlabe u heli lahaayeen waxbarasho tayo leh.

 

 

FB_IMG_1494586197250 FB_IMG_1494586204948 FB_IMG_1494586209212 FB_IMG_1494586213390 FB_IMG_1494586216973 FB_IMG_1494586224601 FB_IMG_1494586238607 FB_IMG_1494586247928 FB_IMG_1494586252075 FB_IMG_1494586256365 FB_IMG_1494586259974 FB_IMG_1494586263907 FB_IMG_1494586324176 FB_IMG_1494586327766 FB_IMG_1494586331878 FB_IMG_1494586336298