Waxaa Deeq raashin ah la gaarsiisay Dadka naafada ah ee Degan Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamul Goboleedka Galmudug taasi oo ay soo Gaarsiisay Hay’adda Xayaat Foundation.
Deeqdani oo isugu jirtay Bur, Bariis, Sonkor iyo Saliid ayaa waxaa soo dhiibay Muxsiniinta ku nool Canada ayadoona uu gaarsiiyay Naafada Cadaado Cabdul-qaadir Sayid Axmed oo ka tirsan Hay’ada Xayaat Foundation waxaana uu sheegay in dadka qaba Baahiyada gaarka ah ay mudan yihiin in la garab istaago Marwaliba.
Dadka Naafada ah ee Soomaaliyeed ayaa waxaa dhankooda sameyn weyn ku yeeshay Abaarta ka dhacday dalka waxana ay yihiin kuwa u jilicsan isbedelka Xaalada Maadaama ay yihiin dad qaba baahiyo ka duwan kuwa dadka Caadiga ah ee qaba lixaadkooda.
Hayadda Xayaat foundation ayaa kaalin weyn ka qaadatay Abaarta Sima ee ku dhufatay soomaaliya sidii looga badbaadin lahaa dadka xoolo dhaqatada ah iyo danyarta ay ka midka tahay Naafadu.
Ma ahan Markii ugu horeeysay ee Deeq nuucaani oo kale ah ay Xayaat foundation ka qaybiso Gobolada dhexe ee Soomaaliya waxana ay tahay mid garabtaagan Xaalada adag ee ka jirta Soomaaliya.