Sawirro: Maraykanka oo Xasuuq ka geystay deegaanka Bariire ee Sh. Hoose

Wararka Maanta

Ciidamada Maraykan ah oo ay wehliyaan ciidamo Soomaali ah ayaa saaka xasuuq ka geystay beer ku taal deegaanka Bariire gobolka Shabeelada Hoose. Weerarkan ayaa dhacay aroortii hore saaka, waxaana dadkan oo rayid ah beertoodu ku laayey ciidamo Maraykan ah, ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa ajnabi ah ayaa todobaadkii hore Alshabaab kala wareegay deegaanka Bariire.

Dadkan oo isug jiray Milkiiliyaasha beerta iyo shaqaale ayaa meykooda maanta la keenay isbitaalka Madiina Magaalada Muqdisho, waxaana goobta soo buux dhaafiyey ehelada dadkaan la xasuuqay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhowr jeer horey u sheegay inuu amray weerarada ay fuliyaan ciidamada shisheeye ee duqeymaha ka geysta dalkeena Soomaaliya, Dhawaan ayaa Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump sheegay  in ciidamadooda aan lagu maxkamadeyn karin duqeymaha ay  ka geystaan dalalka dibadda. arintaan ayaa u baahan baaritaan, iyadoo sidaan kale dhawaan qoys dhan 5 qofood lagu xasuuqay duqeyn ciidamo ajnabi ah ka geystay degmada Jilib gobolka Jubbada Hoose.

 

20993949_10155662014339583_5712178863297781271_n 21077521_10154694604951965_6076013833499082757_n 21078379_10155662014389583_4548769161820635006_n