Gudoomiyaha Gobolka Benaadir oo si kulul uga jawaabay hadalkii Hanti-dhowraha Qaranka

Wararka Maanta

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa si kulul uga jawaabay hadal ka soo yeeray Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka, kaasoo ahaa inuu sharci darro yahay kaararka aqoonsiga oo uu bixiyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Yuusuf Jimcaale ayaa sheegay in kaararka aqoonsiga aanu wax sharci darro aheyn, isla markaana uu ka mid yahay dowladnimada, isagoo xusay in aanay jirin cid sharciga kaligeed meel ugu xiran.

“Kaararka aqoonsiga ee Teesaro Munishiibo dowladnimada ayuu ka mid yahay wax sharci darro ma ahan, cid sharciga meel ugu xiran yahay kaligeed ma jirto, sharciga waa wax la wada yaqaano”ayuu si kulul u yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo la hadlayay Raadiyaha Kulmiye.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in barnaamijka kaararka aqoonsiga uu yahay shaqo u taal dowladda Hoose, kaasoo uu tilmaamay in baahi weyn loo qabo sida uu yiri.

Dr Nuur Faarax Jimcaale Hanti dhowaraha Guud ee Qaranka ayaa sharci darro ku tilmaamay kaararka aqoonsiga, isagoo xusay dadka Soomaaliyeed aanay wada awoodin inay bixiyaan lacagta, waxaana uu sheegay in horay amar uga soo saaray in la joojiyo xilligii uu Guddoomiyaha ahaa Tarsan.

Si kastaba ha ahaatee horaantii bishan ayay aheyd markii Taliska Nabadsugida uu amar ku bixiyay in la qaato kaararka aqoonsiga, kaasoo ay ku xireen inay tahay arrimo amni iyo in cid aan heysan kaararkaas aanay heli doonin adeegyada bulshada ee aas aasiga ah.

Comments are closed.