Wasiirka Arimaha Gudaha DFS ayaa si weyn loogu soo Dhaweeyey Cadaado (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Waxaa maqribnimadii kasoo dagay garoonka diyaaraha Cadaado wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, wafdigan ayaa waxaa hogaaminayey wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamuud Sabriye, waxaana safarkiisa ku wehliyey Wasiiru dowlaha Howlaha Guud DFS Axmed Cabdi Kaariye [Qoorqoor], wasiir ku xigeenka Xanaanada Xoolaha DFS C/kariin Khaliif Dhalac, iyo Taliyihii hore Xoogga Dalka Gen Gorod.

Dadweyne farabadan iyo masuuliyiin ayaa madaxdan kusoo dhaweeyey garoonka diyaaradah Cadaado, waxaana warbaahinta kula hadleen gudaha garoonka diyaaradaha, iyagoo sheegay in ay u socdaan xalinta colaadda ka aloosan deegaanka Kaxandhaale, halkaas oo ay ku dagaalameen laba maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda Galinsoor iyo Dhabad.

Sidoo kale Wafdi kale oo ka socda Dowladda Dhexe ayaa ka dagay magaalada Cabudwaaq, ciidanka xoogga dalka iyo NISA ayaa maanta gaaray goobihii shalay dagaalku ka dhacay, sidoo kale 2 askari oo itoobiyaan ah oo dagaalka lagu soo qabtay ayaa wali lagu hayaan saldhigga booliska Galinsoor.

Ilo xog-ogaal ayaa inoo xaqiijiyeen in wafdigan Dowladdu ee Cadaado ay doonayaan in lagu wareejiyo Askarta itoobiyaanka ee dagaalka lagu soo qabtay,  inkastoo dadka shacabka ay diidan yihiin in dowladda dhexe lagu wareejiyo askartan.