Sawirro: Madaxda Galmudug iyo Puntland oo ka shiray Nabadda Gobolka Mudug

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Kulanka madaxweyne ku xigeenada mamulada galmudug iyo puntland oo maanta ka dhacay garoonka diyaarada c/llaahi yuusuf  ee magaalada Gaalkacyo waxaa ka qeyb galay wasiiro ka tirsan labada maamulka iyo mas’uuliin kale waxana looga hadlay nabad raadinta gaalkacyo iyo guud ahaan gobolka mudug oo ay kusoo laa laabteen isku dhacyo maleeshiyaad kasoo kala jeeda galmudug iyo puntland.
kulanka madaxda maamulada galmudug iyo puntland oo saacada qaatay markii uu soo dhamaaday kadib waxaa si wada jira ula hadlay warbaahinta madaxweyne ku xigeenada labada maamul ee galmudug puntland C/xakiin xaaji cumar camey iyo maxamed xaashi cabdi waxana ay sheegeen inay kulamadu soco doonaan kii maantana ay isku afgarteen waxyaabihii ay isku soo hadal qaadeen iyagoo  ugu baaqeen shacabka gobolka mudug inay qeyb ka qaadaan dadaalada nabada lagu baadi goobaayo.
marar badan ayeey sidaan oo kale kulamo looga hadlay amniga gobolka mudug  yeesheen madaxda maamulada ay kulmiso magaalada gaalkacyo inkastoo aan si rasmiya loogu guuleysan dhaqan gelinta qodobo ay horay ugu  heshiiyay balse waxaa wali socda in xal uun loo helo colaadada kusoo laa laabtay gobolkaan mudug.

20170904_105318 20170904_111338(0) 20170904_111357 20170904_124801 20170904_124812(0) 20170904_124818(0) 20170904_124828(0) 20170904_124828 20170904_144737(0) 20170904_144746(0)

Wariye Daahir Faarax