Real Madrid iyo Atletico Madrid Oo Laga Ganaaxay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda

Ciyaaraha

 

Real Madrid and Atletico Madrid banned from signing players for TWO transfer windows

labada kooxood ee kala ah Real Madrid iyo Atletico Madrid ayaa laga mamnuucay  saxiixa ciyaaryahanda ee labada suuqa kala iibsi ee nasoo aadan.

FIFA ayaa xayiraad saartay naadiyadan iyadoo lagu haysto diiwaangelinta  ciyaartoyda da’doodu ka yar tahay 18-ka sano.

Oo hadda waxay taa ka dhigan tahay in labada koox ee  Real iyo Atletico aysan awoodin inay la soo wareegaan ciyaaryahano cusub ilaa January 2018.

Real ayaa xaqiijisay in ay racfaan ka qaadan doonto go’aanka ah in Maxkamadda Court Arbitration for Sport (CAS).

Atletico Madrid's French forward Antoine Griezmann celebrates a goal during the Spanish league football match RCD Espanyol vs Club Atletico de Madrid at the Cornella-El Prat stadium in Cornella de Llobregat on April 9, 2016. / AFP / PAU BARRENA        (Photo credit should read PAU BARRENA/AFP/Getty Images)
Warkaan ayaa sidoo kale dhabarjab ku ah Manchester United iyo Chelsea, kuwaasoo labaduba lala xiriirinaayay inay u dhaqaaqaan Antoine Griezmann, laakiin Atletico ayaa hadda awoodin inay la soo wareegto bedelka laacibkan,  lagamana yaabo in kooxda ay u ogolaan doonaan ciyaaryahan heerka caalami ee dalka France inuu baxo.

Real ayaa sidoo kale lala xiriirinaayay Labada ciyaaryahan ee Bayern Munich David Alaba iyo Robert Lewandowski xagaaga laakiin hadda awood uma yeelan doonaan in ay xoojiso kooxdeeda.

Comments are closed.