Manchester United Oo Wali Ku Raad Joogta Mesut Ozil

Ciyaaraha

Manchester United ayaa xiiseyneysa inay lasoo saxiixato xiddiga qadka dhexe ee kooxda Arsenal Mesut Ozil.

Horaantii Isbuucaan, United ayaa dhameystirtay saxiixa Alexis Sanchez, Ozil, kaliya lix bilood ayaa ka hartay qandaraaskiisa Emirates Stadium.

United ayaan dabagal ku sameyn doonta Ozil inta uu furan yahay suuqa kala iibsiga bisha Janaayo laakiin sida laga soo xigtay The Independent, Jose Mourinho ayaa wali doonaya xiddiga heerka caalami ee dalka Germany.

Warbixinta ayaa soo jeedineysa in United ay diyaar u tahay inay qandaraaska u dheereyso , inkastoo Arsenal ay fursad u heysatay inay heshiis la gaarto kubadsameeyaha bilaha soo socda.

Tababaraha Arsenal Arsene Wenger ayaa qiray in wadahadalada haatan ay socdaan, halka horeyba loo sheegay in Gunners ay kalsooni ku qabaan inay sii wataan joogitaanka Ozil ee kooxda.

Inkastoo uu ku fashilmay mustaqbalkiisa, Ozil ayaa weli afar gool u dhaliyey, lixna caawiye ayuu ka ahaa 19 kulan oo Premier League ah xilli ciyaareedkan.