Manchester United Oo Ogolaatay Inay Lasoo Saxiixato weeraryahanka Benfica Umaro Embalo

Ciyaaraha

Benfica ayaa lagu soo waramayaa inay ogolaatay inay Umaro Embalo u saxiixdo Manchester United mustaqbalka dhow.

Bishii lasoo dhaafay, waxaa lagu soo waramayaa in United ay xiiso u qabto Embalo, iyadoo 16 jirkaan uu ku riyaaqay da ‘yarta kooxda Benfica.

Sida laga soo xigtay Record, United ayaa haatan la kulantay dalabyada Benfica ee da’yarta, kaasoo lagu qiimeeyo 5 milyan oo ginni.

Real Madrid ayaa sidoo kale lagu soo waramayay inay rajeyneyso inay la soo wareegto, lakiin United ayaa u muuqata inay soo bandhigtay inay heshiis la gaartay kooxda reer Portugal.

Embalo ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhex muuqan doono akadeemiyadda United ka hor inta aan loo tixgelin booska Jose Mourinho ee kooxda koowaad.