Loic Remy Oo Ku Soo Laabtay Chelsea

Ciyaaraha

490403836-e1453881903235

Loic Remy ayaa ku soo laabtay Chelsea kadib  sagaal maalmood  markii uu ku biiray Crystal Palace sababo la xiriira dhaawac muruqa ah.

Palace ayaa xaqiijisay in 29-sano jirkaan oo ay ka saxiixatayy muddo hal xilli ciyaareed amaah ah uu haatan mari doono daaweyn kooxda caafimaadka Chelsea .

weeraryahanka reer France ayaa ku maqnaan doono muddo dhaawacaan dhowr todobaad.

 

Remy,ayaa u saftay Chelsea 19 kulan xilli ciyaareedkii hore, oo waxaa lagu waday in uu u safto  kulankii Middlesbrough ee sabtida.