Rag kale oo abaabulayay weerar ay ku qaadaan xeryaha ciidamada ingiriiska ee kenya oo la xiray

Wararka Maanta
Booliska magaalada Nanyuki Gobolka Laikipia ee bartamaha dalka Kenya ayaa fiidnimadii Axadii qabtay seddex nin oo looga shakisan yahay argagixisinimo, xilli ay isku dayeen inay xoog ku galaan xero milatari oo Ciidamada Britain ku sugan yihiin, taasoo aad loo ilaaliyo.

Seddexdan nin  ayaa waxaa su’aalo weydiinaya baarayaasha iyo Ciidanka Booliska ee qeybta La-dagaallanka Argagixisada (ATPU).

Sida uu sheegay taliyaha booliska Rift Valley Marcus Ocholla raggan laga shakisan yahay ma hubeysneyn, balse waxay lahaayeen ujeeddooyin qarsoon

“Faah faahin kama bixin karno hadda laakiin arrinta waxaa gacanta ku haya waaxda la-dagaallanka argagixisada”ayuu yiri Ocholla.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in raggan la weydiiyo su’aalo adag, si loo ogaado waxa uu qorshahooda ahaa

Waxaa kaloo raggan looga shakisan yahay inay lahaayeen koox u basaasayesay oo kor kala socda, una fududeynaya inay xerada galaan

Booliska ayaa haya sawirro ay qabatay Camerada qarsoon ee loo yaqaano CCTV, waxaana lagu wareejinayaa Mas’uuliyiinta baarista ku howlan.

Maalin ka hor ayay aheyd markii Al-Shabaab ay weerartay Xero Milateri oo ku taala Gobolka Xeebta ee Lamu, halkaasoo ay si wadajir ugu sugnaayeen Ciidamo Mareykan iyo Kenyan, weerarkaas ayaa waxaa lagu dilay askari Mareykan ah iyo labo qandaraaslayaal u shaqeynayay wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka.