Ra’iisul Wasaaraha ayaa la kulmay Odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeday magaalada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud, isagoo ka dhageystay tabashooyin ay qabeen.
Sidoo kale waxaa uu Ra’iisul Wasaaraha kala hadlay dardar gelinta dhismaha Maamulka Galmudug iyo sidii loo dhameystiri lahaa soo xulida Xildhibaanada Baarlamaanka.
Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sidoo kale la kulmay Ugaaska Beesha Cayr Ugaas Xasan Ugaas Nuur iyo Madaxa Xukuumadda, waxaana uu kala hadlay sidii ay door weyn ugu yeelan lahaayeen dhismaha Galmudug loo dhan yahay.
Waxaa kaloo Ra’iisul Wasaaraha la kulmay Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ee laga soo doorto Galmudug, waxaana uu uga mahad celiyay dadaalka ay u galeen dhismaha Galmudug loo dhan yahay.
Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha oo muddo todobaad ku sugan Dhuusamareeb ayaa la filayaa inuu maanta dib ugu soo laabto Muqdisho, waxaana la filayaa in maalmahaa soo socda lagu dhawaaqo liiska Xildhibaanada 69-ka ah ee Baarlamaanka Galmudug