Soomaaliya oo halis ugu jirta inay markale lumiso maamulka hawada

Wararka Maanta

Hay’adda caalamiga ah ee duulista hawada, ICAO,  ayaa bixisay digniin haddii aan si degdeg ah loo helin sharci dhameystiran oo hay’adda duulista hawada Soomaaliya awood u siinaya inay sii haysato maamulka hawada dalkeeda.

Hay’adda ICAO waxay sheegtay haddii dowladdu ku guul daraysato sharcigaas in ay lumindoonto dedaalkii dheeraa ee loosoo galay la wareegista hawada Soomaaliya, ay waqti badan qaadandoonto dib usoo celinteeda.

Sharciga duulista hawada ayaa hadda horyaala barlamaanka aqalka sare, waxaana dhawaan meel mariyay golaha shacabka Soomaaliya.

“Hawadii waan lasoo wareegnay, laakiin sharcigii ma hayno, adduunka waad ogtihiin wax sharci la’aan la haysan karo ma jiraan. Waxaan qatar ugu jirnaa in maamulkii hawada uu dib ugu laabto gacanta qaramada midoobay.” ayuu yidhi Agaasimaha Waaxda duulista Hawada Soomaaliya Axmed Macallim Xasan.

“Haddii sharcigaas la waayo Soomaaliya hawo helimayso, garoon Soomaaliyeed aqoonsi helimaayo, Soomaaliyana ma helayso sharciga xakameynta safarka hawada,” ayuu hadalkiisa ku daray agaasimaha.

Wuxuu sheegay in tiir kamid ah qaranimada Soomaaliya uu halis ugu jiro in la waayo, sidaas daraadeed wuxuu ugu baaqay barlamaanka aqalka sare inay hakiyaan shaqooyinkooda kale ayna usoo jeestaan meel marinta sharcigaan

Hay’adda duulsita ayaa sheegtay sharciga duulimaadyada rayidka inuu dalka Soomaaliya u badbaadinayo malaayiin dollar oo sanad waliba ka luma dalka iyo kor uqaadida madax bannaanida hawo ee Soomaaliya.

Waxay hay’addu sheegtay sharcigaas haddii la meel mariyo in Soomaaliya dunida kula tartamayso macaamilka hawadeeda ayna ku helayso dhaqaale badan oo Soomaaliya ka caawinaya dib u dhiskeeda.

Soomaaliya ayaa laga sugayaa dhammaadka bishaan in ay caalamka ugudbiso sharciyadeeda duulista oo meel marsan.