Maareeye ku-xigeenkii shirkadda Golis oo lagu dilay Boosaaso

Wararka Maanta

Allaha U naxariistee Cabdullaahi Cumar Cali Maareeye ku-xigeenkii shirkadda isgaarsiinta Golis ayaa rag hubeysan ku dileen  magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in Marxuum Cabdullaahi ay rasaas jirkiisa sare kala dhaceen rag hubeysan, xilli uu ka soo baxay Masjid uu salaada cishaha ku soo tukaday.

“Salaadii cishaha kadib waxaa magaalada Boosaaso ka dhacay dil loo geystay Maareeye ku-xigeenkii shirkadda isgaarsiinta Golis, rag hubeysan ayaa dilay, wayna baxsadeen, ciidamo badan ayaa yimid goobta uu dilka ka dhacay.” Ayuu yiri qof ka mid ah dadka degaanka.

Ciidamada ammaanka Puntland ayaa bilaabay hawlgal looga daba tagayo raggii dilka geystay, waxaana dilkan aad u hadal haya dadka ku dhaqan magaalada Boosaaso. Dilalka Haldoorka Bulshada deegaanada Puntland ayaa inta badan ka dhaca Magaalooyinka Galkacyo iyo Boosaaso.