Home » Arimaha Bulshada » Qormo ku saabsan Cabdullaahi Qarshe : Waxa Qoray Cumar Seerbiya Date :September 20, 2017 Author :admin

Qormo ku saabsan Cabdullaahi Qarshe : Waxa Qoray Cumar Seerbiya

Qormo ku saabsan Cabdullaahi Qarshe : Waxa Qoray Cumar Seerbiya

Cabdullaahi Maxamuud Maxamed (Qarshe) sannadkii 1924-kii ayuu ku dhashay magaalada Mooshi oo ka tirsan gobolka Kilimanjaaro ee dalka Tansaaniya , ka dibna waxa la geelay dalka Yeman oo ay ku noolaayeen ehelkiisa qaar sida walaalkii oo ka weynaa .

Magaalada Cadan ayuuna ku nooolaa ilaa da’diisu markay ahayd 20 sanno jir , waxaana magaalada Cadan ka shaqayn jiray idaacad ku hadasha saddex af oo kala ah Carabi, Hindi iyo Soomaali , labada baahinood ee Hindiga iyo Carabigu waxay ahaayeen kuwa leh muusiko , balse qaybta Soomaaliga waxa la baahin jiray gabayo uu ka mid yahay kuwa uu tiriyey Xaaji Aadan Afqalooc Alle ha u naxariistee..

Cabdullaahi Qarshe wuxuu ka mid ahaa dhallinyaradii dhagaysan jirtay idaacadda balse wuxuu aad uga calool xumaa markasta in qaybta Soomaaliga ee idaacaddani ay ka tayo liidato qaybaha kale marka loo fiiriyo xogaha ay baahiyaan oo ayna ku jirin fan Soomaaliyeed oo leh Muusiko.

Sannadkii 1941 ayuu ku hamiyey Cabdulaahi sidii uu wax uga bedeli lahaa fanka Soomaaliyeed oo uu ugu dari lahaa qayb leh Muusik ama kaban waxayna ahayd markii uu socday dagaalkii labaad ee dunidu wuxuu bilaabay inuu daawado filimaanta hindiga ah si uu wax uga fahmo qaabka codka loogu dhawaaqo , isaga oo xilligaasina ku jiray dugsiga dhexe ee magaalada Cadan .

Cabdullaahi waxa u suurogashay inuu lacag 10 rubi ah oo uu ururiyey ka bixiyo kaban yar oo markaasi aan tayo badan lahayn si uu bilaw ugu noqdo hankiisa fannaan-nimo , markii uu iibsaday waxa soo foodsaartay walaac ah in walaalkii ka weynaa uu ka warhelo ka dibna uu ka joojiyo lacagta uu dugsiga kaga bixiyo afar sanno ka dibna wuxuu u soo wareegay Hargeysa.

Sannadkii 1945-kii wuxuu Qarshe yimi Hargeysa oo markaasi ay ka bilaabmatay kacdoonkii heesaha balwada oo uu aabbo u ahaa Cabdi Deeqsi Warfaa (Cabdi Sinimoo) oo isaga la sheego inuu dhashay 1920-kii .

Cabdullaahi Qarshe inuu kaban sito maahane xataa kabanka ma tumi yaqaano balse wuxuu hayaa niyad ah inuu fanka Soomaalida gacan ka gaysto horumarintiisa , sidoo kale kooxda uu u yimi fanka wax aqoon faneed ah oo badan kuma dhaamaan , waxaana magaalada Hargeysa ka jira kooxo carab ah oo ka heesaha aroosyada kuwaasi oo ay Cabdullaahi ku adkaatay inuu dhexgalo iyaga oo u arkaayey in Soomaalida oo fankoodu hirgalo ay suuqooda ka hor iman karto .

Qarshe ayaa u safray magaalada Berbera isaga oo raadinaya macallin fanka aqoon u lahaa oo Bakar lagu magacaabi jiray kaasi oo asalkiisu ahaa Carab waxaanu la galay heshiis ah inuu kabanka baro iyo sida codka loo sameeyo halkii ayuuna muddo kooban kaga aflaxay .

Kooxda fanku waqtigaasi waxay ku dhuuman jireen guryo ku yaalla Hargeysa iyaga oo markaasi iska qarinaya Soomaalidii ku noolayd Hargeysa gaar ahaan culimada oo diidanaa in fanku hirgalo , waxaana dooda ugu badani ka dhalatay magaca Heesta “Balwo “ oo la sheegay inuusan ahayn magac wanaagsan , ka dibna Cabdullaahi iyo rag ay ka mid ahaayeen Maxamed Ismaaciil Barkhad cas , Yusuf qodban , Abokor Xasan Danaari , Xasan Aadan Halac , iyo Axmed Xasan Guray waxay magacii heesta Bawlo u badaleen “Heello” oo ilaa hadda la isticmaalo.

Dar-dar uu bilaabay Cabdullaahi Qarshe ka dib waxa lagu guulaystay in fankii uu ka soo baxo guryaha oo goobaha farxadda looga yeedho fanaaniinta iyaga oo halkaasina ku soo bandhiga dadkana ku bara fanka Soomaaliyeed macnihiisa waxayna magacii kooxda walaalaha Hargeysa ku bedeleen Soobaa amaba Soomaali Youth , ka dibna kooxo kale oo faneed ayaa ka bilaabay Cadan koox laga dhisay waxa loo bixiyey kooxda Hawd halka Jabouti-na laga sameeyey kooxda Soomaali Pilars .

Intaas ka dib sannadkii 1954-kii waxa xoogaystay fankii Soomaalida oo bilawgiisu ahaa Hargeysa waxaana ku soo biiray rag awood faneed muujiyey sida Maxamed Axmed Kuluc, Xuseen Cali Kaahin iyo Axmed Cali Haaruun Dararamle .

Cabdullaahi waqti ka dib wuxuu hormuud u noqday fanka Soomaaliyeed isaga oo soo bandhigay hibooyin saddex ah , curin , laxan samayn iyo tumid cajiib ah , heesaha aadka loogu jeclaaday waxa ka mid ah heesta calanka Soomaaliya ee Qoloba calankeedu waa cayn inaga keenu waa cirkoo kale . iyo sidoo kale heesaha aqoonta iyo dhiirigelinta iskugu jira sida heesta gobonimo doonka ee dadkan dhawaaqayaa inkasta oo erayada la sheego inuu wax ku lahaa Xuseen Aw-faarax waana heesta codkeeda ay mudada dheer ku soo galaysay idaacadda BBC Soomaali.

Aqoon la’aani waa iftiin la’aan ayuu sidoo kale qaaday iyo heesihii doorashada ka hadlaayey “Waaryaa hooy doorashadu wax weyn weeyee” ay ka mid ahayd .
Cabdullaahi oo sannadkii 1997-kii geeriyooday wuxuu ahaa Soomaali dhab ah oo aan qolo iyo gobol toona si gaar ah u jeclayn waxaanu xogtan siiyey waraysi ay la yeelatay idaacadda Radio Muqdisho sannadkii 1981-kii waxaana waraysiga ka qaaday Xuseen Aw-jaamac Jibriil Xagar oo hadda ka tirsan Telefishanka Somaliland ee SLNTV.

122 total views, 3 views today