Dagaal maalintii labaad ka socda koofurta gobolka Mudug

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Dagaal culus ayaa maanta ka dhacay deegaanka Maamiye ee u dhaxeeya Caad iyo Camaara koofurta gobolka Mudug.

Dagaalka ayaa u dhaxeeya dadka deegaanka iyo ururka Alshabaab, waxaana ururka Alshabaab barqanimadii maanta weerarka kusoo qaadeen ciidanka deegaanka, dagaalka oo soo gaaray duhurkii dib loo riixay ciidankii Alshabaab.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidanka deegaanku ay gacanta ku dhigeen gaari tikniko ah oo ay leeyihiin Shabaabku.

Alshabaab ayaa la sheegayaa in khasaare badan kasoo gaaray dagaalka maanta. Dhulka lagu dagaalamayo ayaa ah dhul howd ah oo aan wadooyin badan laheyn, waxaana adag in gawaarida tiknikadu ka dagaalanto. Xaalada goobaha dagaalka ayaa dagan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaalku dib u qarxo.

Wixii kusoo kordha kala soco ceelhuur.com